HomeAll newsQaraxyo ka dhacay deegaanka Tareedisha.

Qaraxyo ka dhacay deegaanka Tareedisha.

Wararka ka imaanaya deegaanka Tareedisho ee dhaca inta u dhexeysa Muqdisho iyo Ceelasha biyaha ayaa ku waramaya in qaraxyo xoogan lala eegtay gawaari dagaal oo ay saarnaayeen askar katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Qaraxyada oo gaaraya illaa labo qarax ayaa ahaa kuwa cul culus oo si weyn looga maqlay deegaanka, waxaana ay haleeleen labo gaari oo ay saarnaayeen ciidamada dowladda federaalka.

Labada gaari ayaa gebi ahaanba burburay, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askartii saarneyd.

Goobta waxaa soo gaaray ciidamo gurmad ah oo daabulay meydadka iyo dhaawacyada, waxaana daqiiqado hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxydan lale eegtay ciidamada dowladda federaalka. Shalay ayay ahayd markii qarax noocan oo kale ah lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamada dowladda oo marayay nawaaxiga Jaamacadda Shabeelle.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular