Waa daadadkii ugu xooga badnaa tan iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ku dhufta wadanka Afrikada dhexe, sidaas waxaa sheegaya hay’adaha gargaarka ee ka howlgalaya wadankaas.
Daadadka ayaa yimid, kadib markii wadanka ay ka da’een roobaba mahiigaan ah oo dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen, waxaana daadadka dhacay ku barakacay dadweyne aad u badan.
Ugu yaraan 28000 oo ruux ayaa ka barakacay guryahooda, oo ku yaalay deegaano ay ku yaalaan harooyin iyo marin biyoodyo waaweyn, waxayna dadku u barakaceen deegaanno taagag ah oo ka roon halkii ku noolaayeen.
Dadka ku dhintay daadadka ku dhuftay Afrikada dhexe ayaa tiradoodu waxay gaareysaa ugu yaraan 7 ruux, halka ay ku waxyeeloobeen 25 kale, waxaana socdo olole loogu gurmayo dadka oo ay wadaan hay’aad kheyri ah.
Ra’iisul wasaaraha dalka Afrikada Dhexe oo hadlay ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.
Dalka Afrikada dhexe waxa uu kamid yahay wadamada ay ku dhibanyihiin Muslimiinta, waxaana wadankaas ku sugan ciidamo ay hor boodeyso dowladda Faransiiska, kuwaas oo dhibaatooyin ba’an ku haya Muslimiinta.