HomeAll newsAskar Burundi ah oo lagu dilay Weerar ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Askar Burundi ah oo lagu dilay Weerar ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku waramaya in halkaas weerar lagula beegsday ciidamo katirsan Shisheeyaha Burundi ee qeybta ka ah Afrikaanta kusoo duulay Soomaaliya.

Weerar qarax ahaa ayaa lala eegtay ciidamo Burundi ah oo lugeynayay, kuwaas oo marayay deegaanka Buurane ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa durba goobta ku geeriyooday, waxaana askartii kale ay qaateen meydka saaxibadood iyadoo ay cabsi ka muuqato.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxaana marar badan soo noq noqday weerarada Shabeellaha Dhexe lagula beegsanayo ciidamada Burundi ee kamid ah Shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular