HomeAll newsDuqeyn Lagu garaacay saldhiga Baar Sanguuni.

Duqeyn Lagu garaacay saldhiga Baar Sanguuni.

Guutooyinka Madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeyn xoogan ku garaacday saldhiga ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa hoostaga Maraykanka ay ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Madaafiicda ayaa ku hoobtay gudaha xerada ay ku sugnaayeen ciidamada, waxaana baqdin soo wajahday ciidamadii joogay goobta oo kala firxaday.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada duqeynta lagu garaacay, walow aynaan heli tiro rasmi ah.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa soo noq noqday duqeymaha milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaacayaan saldhiga Baar Sanguuni oo fariisin u ah ciidama katirsan maamulka Jubbaland iyo ku hoostaga Maraykanka.

Mid kamid ah duqeymaha lagu garaacay Baar Sanguuni waxaa lagu dilay askari Maraykan ah halka lagu dhaawacay saddex kale oo Ameerikaan ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular