HomeAll newsDowladda Zimbabwe Oo sheegtay in tiro Maroodi ah ay dalkeeda ugu dhinteen...

Dowladda Zimbabwe Oo sheegtay in tiro Maroodi ah ay dalkeeda ugu dhinteen abaar.


Dalka Zimbabwe waxaa ka jira abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka duur joogta intaba.

Dowladda wadankaas ayaa u muuqata mid aan dadkeeda ka naxayn balse u damqanaysa xayawaanaadka siiba maroodiga oo uu dhaqaale badan kasoo galo dalxiis ahaan iyo ka ganacsiga Faantiisa.

Waxay sheegtay in ugu yaraan 55 Maroodi ay ku dhinteen mudo 30 maalmood ah sababo la xiriira abaaraha ka jira dalkaasi.

Waaxda duur joogta ayaa sheegtay sheegtay in tani ay khasaare weyn ku tahay ayna ka baqdin qabaan in abaarta ay sii daba dheeraato.

Abaarta ka jirta Zimbabwe ayaa lagu tilmaamayaa iney tahay tii ugu darnayd ee abid soo marta, waxaana xoolaha la dhaqdo iyo duur joogtu yihiin kuwa dhamaanaya maadaama aysan heysan biyo iyo baad ku filan.

Boqolkiiba sodon dadka ku nool Zimbabwe waa kuwa ay soo ridatay macluul daran sida lagu sheegay war kale oo todobaadkii lasoo dhaafay kasoo baxay Wasaaradda Gudaha ee wadankaas.

Reer Zimbabwe, waxaa abaartan uga horreeyay roobab bilo ka hor ka da’ay dalkooda oo ay ku tilmaameen musiibooyin u sababa daadad iyo fatahaado.

Dowladda waxaa wali walwal ku haya Maroodiyaasha dalxiiska ee dhintay sida uu sheegay Afhayeenka Xanaanada Duurjoogta oo lagu magacaabo Tinashe Farawo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular