HomeAll news12 Qof oo Soomaali Ah oo Sannadkan Lagu Dilay Dalka Jarmalka.

12 Qof oo Soomaali Ah oo Sannadkan Lagu Dilay Dalka Jarmalka.

Soomaalida lagu dilo qurbaha ayaa aad u korortay sannadkan iyadoo lagu soo warramayo in wadanka Jarmalka oo kaliya lagu dilay 12 qof oo Soomaali ah 9 bilood ee lasoo dhaafay.

Dadka Soomaalida ah ee ku nool wadankaas ayaa gaaraya 50 kun oo qof, balse waxaa laga ilaaliyay iney isku meel degaan ama ay gobol u bataan taasoo keentay in la kala fogeeyo, sidaasna ay ugu milmaan dadka Jarmalka oo ah kuwa aad u faafiya dhaqan xumada iyo diimaha ay aaminsan yihiin.

Dadku intooda badani waxay ka tageen dhaqankoodii iyagoo bartay muqaadaraad. Cismaan Cali Xuseyn, waa ganacsade muddo 25 sano ah ku noolaa wadanka Jarmalka wuxuuna xaqiijiyay 12 qof ee sannadkan la dilay kuwaasoo meydadkoodana la gubay markii la waayay ehel ama Soomaali kale oo soo doonata.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wadanka guud ahaan ay kusoo bateen dhallinyaro cabtooy ah oo isticmaasha muqaadaraadka.

C/raxmaan Maxamad Maryacase, waa aqoonyahan ku nool wadanka Jarmalka, wuxuu sheegayaa in dhallinyarada Soomaalidu halkaa ku fasaadeen kuna barteen maandooriyaasha taasoo ugu wacan iney shilalka ku dhintaan amaba la dilo.

Magaalada Minisota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa dhawaan ka dhacay kulan looga arrinsanayay 24 dhallinyaro ah oo iyaguna isla sannadkan gudihiisa halkaa ku geeriyooday kuwaasoo intooda badan isticmaali jiray maandooriyaasha.

Sidaa si lamid ah waxaa sannadkan dad Soomaali ah lagu dilay wadamada Ingiriiska iyo Canada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular