Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa qarax lagula eegtay madaxa Maaliyadda deegaanka Lafoole iyo askar ilaalo u ahayd.
Qaraxa ayaa haleeley gaari nooca raaxada ah oo uu watay Iimaan Maxam’ed Cabdow oo ah madaxa Maaliyadda deegaanka Lafoole, waxaana halkaas kasoo gaaray dhaawac.
Sidoo kale waxaa la dhaawacmey asakri kamid ahaa ilaaladiisa, xilligaasna la saarnaa gaariga.
Iimaan Maxa’ed Cabdow ayaa xaaladiisa lala tacaalayaa, waxaana masuuliyadda qaraxa lagu beegsaday sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.