HomeAll newsSarkaal katirsan Sirdoonka DF oo Afgooye Lagu dilay.

Sarkaal katirsan Sirdoonka DF oo Afgooye Lagu dilay.

Waxaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay sarkaal katirsan Sirdoonka dowladda federaalka ee ay dadka qaar ugu yeeraan “PS-ta”.

Rag hubeysan ayaa bartamaha Afgooye waxay ku dileen nin lagu magacaabo Ibraahim Maxa’ed Ibraahim oo loo yaqaano Ibraahim Lawane, iyagoona dilka kadib goobta isaga tagay.

Sarkaalka la dilay wuxuu caan ka ahaa degmada Afgooye iyo deegaannada hoos yimaada, waxaana uu ahaa xubin firfircoon oo dadka deegaanka aad u dhibi jiray.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkan, waxaana meydkiisa goordambe qaaday askar katirsan kuwa dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular