HomeAll newsMuranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee biya xireenka An-Nahda Oo xoogeystay.

Muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee biya xireenka An-Nahda Oo xoogeystay.

Simegnew Bekele madixii mashruuca biya-xireenka An-Nahda.

Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafaad xoogan oo soo kala dhexgalay dowladaha Masar iyo Itoobiya, kaas oo salka ku haya webiga An-niill, ee mara wadamo dhowr ah oo ay kamid tahay Masar iyo Itoobiya.

Wasaaradda biyaha iyo waraabka ee dowladda Masar ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay inuu fashilmey wadahadallo u dhexeeyay dowladaha Masar iyo Itoobiya, oo ku aadanaa biya xareenka An-nahda ee ay dowladda Itoobiya dhiseyso.

Madaxweynaha dowladda Masar, Cabdil-fataax As-siisi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka wuxuu ku sheegay in dowladiisu aaney ka tanaazuli doonin qeybta ay ku leedahay webiga AN-niil, wuxuuna dowlado ay kamid tahay Maraykanka ugu baaqay iney soo fargaeliyaan arinkan.

Dowaldda Itoobiya dhankeeda waxay sheegtay inaaney gorgortan ka geli doonin biya ay dhiseyso ee An-Nahda, waxaana wasiirka waraabka ee Itoobiya uu shaaca ka qaaday in dowladiisu aaney dheg jalaq u siin doonin shuruudaha ay soo jeedisay dowladda Masar.

Marka loo eego labada dowladood ee khilaafka uu u dhexeeya, dowladda Masar ayaa aad u daneyneysa wadahadallada, halka dowladda Itoobiya u muuqaneysa mid dooneysa iney sad bursi sameyso.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Maraykanku taageerayo wadahadal kasta oo keenaya natiijooyin ay labada dhinac ku raalli noqdaan.

Webiga An-Niil ayaa Masar wuxuu u leeyahay muhiimad  gaar ah, waxaana haddiii dowladda Itoobiya ay ku guuleystay sad bursiga iyo biya leexinta ay wado ay ka dhigantahay nolosha Masaari badan oo qiil qiil gasha.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular