Shariif Shaacib Muxamad, waa Kolaneyl kamid ah saraakiishii hore ee wadanka, gaar ahaan wuxuu kamid ahaa ciidankii Kumaandooska.
Wareysi dheer oo aynu la yeelanay ayaa wuxuu kaga sheekeeyay taariikh nololeedkiisa iyo maraaxishii ay soo mareen ciidankii uu kamidka ahaa.
Sheekadiisa waxaa ku jira qisooyin la yaab leh iyo aqoon dhanka taariikhda ciidanka ah, isagoo dhanka kale isbarbardhig ku sameynaya askartii hore iyo kuwa DF.
Mudadii uu kamid ah Kumaandooska, wuxuu muddo 28 goor ah kasoo booday diyaarad hawada ku jirta, dhulkana ka sarreysa in ku dhow 10KM.