
Waxaa la helay magacyada 4 sarkaal oo kamid ah 16-kii askari ee lagu dilay qaraxyadii is xig xigay ee maalintii Arbacada ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo katirsanaa ciidamada Bankrafta ee sida dhow ula shaqeeya Maraykanka.
Saraakiisha weeraraka qaraxyada ku dhintay ayaa kala ah:-
1-Axmad Xassan Siyaad 2-Jaamac Yuusuf Daahir 3-Cabdi Yalaxow 4- Maxa’ed Cali Cusmaan
Weerarkan ayaa masuuliyadiisa waxaa sheegtay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana Xarakadu sheegtay in weerarkan uu qeyb ka yahay silsiladda howgallada beegsaday howlgalka milliteri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya.
Bayaan kasoo baxay Maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, loogana hadlay weeraradaas qaraxyada ahaa ayaa lagu yiri “ kolonyo katirsan ciidamada Maraykanka uu tababaray ayaa kasoo dhaqaaqey magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda saldhiga garoonka Ballidoogle, waxaana qaraxa koobaad uu haleeley iyagoo maraya deegaanka Xaawo Cabdi, halkaas oo looga gubay mid kamid ah gawaaridii ay wateen, waxaana ay ku qasbanaadeen iney u laabtaan magaalada Muqdisho. Iyagoo maraya isgoysk Ex contorool ayaa waxaa haleeley qarax kale oo burburiyay gaari labaad, halkaas waxaa ka dhashey dhimashada 16 askari oo ay ku jiraan 4 sarkaal oo sare sare , iyo dhaawaca 15 kale, sida uu xaqiijiyay sirdoonka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab”.