HomeAll newsAl-Shabaab: Maraykanka kuma badbaadayo Sooomaaliya.

Al-Shabaab: Maraykanka kuma badbaadayo Sooomaaliya.


War saxaafadeed kasoo baxay maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa looga hadlay weeraradii qaraxyada ahaa ee gelinkii dambe ee Arbacada wadad xiriira Muqdisho iyo Afgooye lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa Bankrafta ee hoostaga ciidamada Maraykanka.

Bayaanka oo ciwaan looga dhigay “ Soomaaliyada muslimka ah kama helayaan meel ay ku badbaadaan Saliibiyiinta Maraykanka, soo duuliyaasha Afrikaanta ah iyo Murtadiinta khaa’iniinta ah” ayaa lagu sheegay in Mujaahidiinta ay ku guuleysteen iney dharbaaxsho culus gaarsiiyaan ciidamada Bankrafta.

“ Waxay Mujaahidiintu fuliyeen howlgal guuleystay oo ka dhan ah ciidamada Murtadiinta Soomaalida ee ay tababareen ciidamada Maraykanka, waxaana ka dhashey weerarkaas dhimasahda 16 askari, iyo dhaawaca 15 kale, waxaana weerarkan uu ka dhiganyahay dharbaaxsho kale oo gaartay howlgalka milliteri ee Maraykanku ka wado Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay maktakba Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Wuxuu bayaanka intaa sii raaciyay “ kolonyo katirsan ciidamada Maraykanka uu tababaray ayaa kasoo dhaqaaqey magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda saldhiga garoonka Ballidoogle, waxaana qaraxa koobaad uu haleeley iyagoo maraya deegaanka Xaawo Cabdi, halkaas oo looga gubay mid kamid ah gawaaridii ay wateen, waxaana ay ku qasbanaadeen iney u laabtaan magaalada Muqdisho. Iyagoo maraya isgoysk Ex contorool ayaa waxaa haleeley qarax kale oo burburiyay gaari labaad,  halkaas waxaa ka dhashey dhimashada 16 askari oo ay ku jiraan 4 sarkaal oo sare sare , iyo dhaawaca 15 kale,  sida uu xaqiijiyay sirdoonka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab”.

War saxaafadeedka kasoo baxay maktabka Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa lagu sheegay in silsiladda weeraradan beegsaday Maraykanka, midowga Yurub iyo ciidamada Soomaalida ee la shaqeeya Maraykanka uu qeyb ka yahay Jihaadka aan kala joogsiga lahayn ee ka socda Soomaaliya.

“ Weeraradii Bellidoogle, Muqdisho, Ceel saliini, iyo qaraxyda kusoo noq noqday wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye waxay daliil cad u tahay kala duwanaanta howlgallada milliteri ee Mujaahidiintu ku beegsanayaan cadowga Islaamka ee jooga Soomaaliya, waxay sidoo kale howlgalladan muujinayaan awooda ay Mujaahidiintu u leeyihiin iney helaan xogo sugan oo sirdoon oo ku aadan dhaq-dhaqaaqa cadowga, iyo xitaa awooda ay Mujaahidiintu u leeyihiin in cadowga ay la beegsadaan weeraro cul culus oo wax gumaada” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Qeybaha dambe ee war saxaafadeedka kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaa lagu diray hanjabaad lahjad kulul ku qoran oo ku socota Shisheeyaha kala duwan ee Soomaaliya jooga, waxaana lagu yiri :

“marnaba suuragal ma ahan in dhegxaanta iyo dhufeysada ay awooda xaqqa ka hor joogsadaan xaqiijiinta ahdaafteeda, Mujaahidintuna Allaah idinkii waxay ka gudbi doonaan xarumaha iyo saldhigyada ugu weyn ee amaankooda sida adag loo ilalaaliyo, si looga hortago xamalada saliibiga ah ee ka dhanka ah Islaamka, islamarkaana uu hogaaminayo Maraykanka, sidoo kalena looga difaaco dhulkan muslimka ah iyo dadka degan ee muslimiinta ah dhamaan cadowga ah ha ahaadaan kuwa gudaha ama Ajaaniibta”. Ayaa lagu yiri war saxaafadeedka maktabka Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, loogana hadlay weerarkii qaraxyada ahaa ee lagu gumaaday ciidamada Soomaalida ee ka hoos shaqeeya Maraykanka.

War saxaafadeedka waxaa lagu soo khatimey “Allaah idinkii, halkan Soomaaliya ah  kama helayaan meel ay ku badbaadaan Saliibiyiinta Maraykanka, soo duuliyaasha Afrikaanta ah iyo Murtadiinta khaa’iniinta ah”.

Weerarkan oo ka koobnaa labo qarax, islamarkaana dhacay gelinkii dambe ee Arbacada ayaa dhaliyay khasaare ba’an oo gaaray ciidamada Bankrafta, waxaana saraakiishii ku dhimatay kamid ahaa taliyihii guutada 3-aad ee ciidamada Bankrafta Maxa’ed Cali Cismaan oo loo yaqaano Yiriisow iyo saraakiil kale.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular