HomeAll newsDEGDEG: In Ka Badan 15 Askari oo Bankaraf Ah oo Lagu Dilay...

DEGDEG: In Ka Badan 15 Askari oo Bankaraf Ah oo Lagu Dilay Qaraxyo Gaadiidkooda Lagula Eegtay Inta U Dhaxaysa Xamar Iyo Afgooye.

Askar ka tirsan ciidamada gaarka ee uu Mareykanku tababartay islamarkaana la yiraahdo Bankaraf ayaa maanta ku hoobtay qaraxyo ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay isticmaalaan mararka ay Ballidoogle iyo Xalane isaga kala gooshayaan.

Ciidamadan oo kolonyo ahaa islamarkaana kasoo baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa qarixii ugu horreeyay lagula beegsaday degaanka Xaawo Cabdi, halkaasoo looga burburiyay mid kamid ah gaadiidkoodii.

Gaari kale ayaa halkaa ka uruuriyay dhaawacyada iyo meydadka iyo dhaawacyada waxaana uu afka aadiyay dhanka Muqdisho iyadoo wehel ahaan loogu daray gaari kale oo ay askar badani saaran yihiin, hayeeshee waxaa qarax kale oo weyn lagula beegsaday halka loo yaqaano Isbaaro Shabelle kaasoo isna meeshii ku burburay.

Wararka horudhaca ah ee ay heleyso Shabakadda Amiirnuur.com ayaa waxay sheegayaan in dhimashada ciidamada Bankaraf ay gaareyso 16, halka dhaawacoodu uu 15 yahay. Xubnaha dhintay waxaa kamid ah 4 sarkaal.

Weeraradan ayaa ka dhigan dharbaaxo kale oo ku dhacday Mareykanka maadaama gaadiid iyo hubka ay ku hawl galayaan ciidamadan uu isagu bixiyay kuwaasoo uu u adeegsan jiray inta badan hawl gallada dhulka maadaama isagu uusan u bareeri karin halista.

Isniintii lasoo dhaafay ayay ahayd markii weerar culus ay Xarakada Al-Shabaab ku qaaday xerada Ballidoogle oo ah saldhigga ugu weyn ee ay daggan yihiin ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya kusoo duulay, halkaasoo tirada guud ee lagu dilay ay gaarayaan 173.

Mareykanka ayaa tan iyo Isniintii duqeyn iyo barakicin ku wada dadka deggan degaanada u dhow Ballidoogle, waxaana magaalada Muqdisho ay saxaafaddu ku wareysatay shacab uu halkaa ka barakiciyay oo maanta gaaray caasimadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular