Qarax xoogan ayaa saacado kahor ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee u dhow magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo ay ku dhinteen ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa durba goobta ku quur baxay, waxaana dhaawacmey 7 kale.
Qaraxa waxaa jugtiisa si weyn looga maqlay deegaanka, waxaana ciidamada dowladda ay rasaas u rideen dhinacyada.
Dhawaan ayaa ciidamada dowladda ee jooga Ceel Saliini waxaa lagu garaacay duqeymo culus, taas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 7 askari.
Waxaa kasii horeeyey weerar xoogan oo lagu bilaabay camaliyad Nafhurnimo ah, kaas oo lagu dilay ciidamo aad u badan oo katirsan kuwa dowladda federaalka.