Idaacadda Al-Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisay sawirra laga soo qaaday dagaalkii shalay deegaanka Ceel Saliini ku dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa dowladda federaalka.
Sawirrada ayaa laga dheehanayaa ciidamada Al-Shabaab oo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta saldhiga, islamarkaana daabulanaya saanado hub ah.
Waxaa sidoo kale sawirrada lagu arkayaa qaar katirsan ciidamada dowladda oo weerarka lagu dilay, iyo askari nool oo gacanta lagu dhigay.
Gawaarida dagaalka ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gacanta ku dhigeen ayaa sidoo kale lagu arkayaa sawirrada, kuwaas oo ay kamid yihiin booyad, gaari Jeemis ah oo uu qori ku rakibanyahay, Artoob iyo gaari kale oo nooca raaxada ah.
Hoos ka daawo Sawirrada dagaalkii Ceel-Saliini.
Jawaabtii amiirkay baxsheen jeeshki tawxiide
Jahanamo u dhoofyada kufrigu malahan jaanjaanay
Jiriday u siibeen shabaab goor jarmaadaaye
Jaliilkaa ku mahadsane kufriga jare inshalaahe
Mashaalah Alaahu Akbar
الله اكبر