Khasaare lixaad leh ayaa ciidamada dowladda kasoo gaaray weerarkii weynaa ee maalintii shalay lagu qaaday xero ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini oo u dhow magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarka waxaa lagu daah furay camaliyad Nafhurnimo ah, waxaana intaas kadib xerada u daatay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dagaalka culus ayaa goobta ka dhacay, waxaana ugu dambeyn laga itaal roonaaday ciidankii dowladda oo wixii badbaaday ay ka firxadeen saldhiga la weeraray.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaas ay ku dishey askar gaareysa 23 askari, kuna soo furatay hub iyo gaadiid dagaal oo ay lahaayeen ciidamada dowladda federaalka.
Gawaarida ay ciidamada Mujaahidiinta la wareegeen waxay gaarayaan illaa iyo 6 gaari, waxaana jira saanado kale oo hub ah.
Dowladda federaalka illaa iyo hadda si toos ah ugama hadlin khasaarihii gaaray ciidameeda.
Ilaahay baa kumahadsan shukrina nooga mutaystay xasuuqa murtadiinta daba dhilifyadaa