Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday kolonyo ciidamo Shisheeye ah oo kasoo baxay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Kolonyadan ayaa sahay u siday ciidamada Shisheeyaha ee jooga deegaanka Ceel Jeelle ee duleedka magaalada Marko,waxaana la weeraray xilli ay marayeen deegaanka Siinka-dheer oo u dhexeeya Muqdisho iyo Ceelasha biyaha.
Ugu yaraan 3 darawal oo kaxeynayay gawaarida xamuulka ee sahayda u siday ciidamada Shisheeyaha ayaa ku dhintay weerarka, iyadoona ay macquul tahay in khasaaruhu intas kasii bato.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba laabay weerarada ay ku beegsanayaan ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga wadanka Soomaaliya.