HomeAll newsWasiir ku xigeen katirsan xukuumadda Kheyre Oo Is casilay.

Wasiir ku xigeen katirsan xukuumadda Kheyre Oo Is casilay.

Cabdil-kariim Khaliif Cabdi dhalac oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Xannaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee dowladda federaalka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu is casiley xilkii uu ku hayay xukuumadda uu hogaamiyo Kheyre.

Wasiir ku xigeenka ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebooka, wuxuu ku sheegay inuu si toos ugu dhawaaqayo inuu iska casilay xilkii uu hayay, isagoona sheegay dhowr sabab.

Sababaha uu isku casilay waxaa kamid ah, sida uu wasiir ku xigeenku sheegay isagoo ku qanci waayay faragelinta dowladda federaalka ay ku heyso maamul goboleedyada.

Dowladda federaalka ayuu ku eedayay wasiir ku xigeenku iney ilaalin weysay shuruucda ay ku dhaqanto ee dastuurka, isagoona ugu baaqay iney arinkaas ka joogsato.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular