HomeAll newsAskar katirsan maamulka Jubbaland Oo lagu dilay Jubbooyinka.

Askar katirsan maamulka Jubbaland Oo lagu dilay Jubbooyinka.

Ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland oo isku dayay iney dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka sameeyaan deegaanno dhaca duleedka magaalada Kismaayo ayaa la kulmay weeraro culus oo ay kala hortageen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaalladan oo dhacay gelinkii dambe ee maalintii shalay ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona uu jiro waxyeello la gaarsiiyay ciidanka maamulka Jubbaland.

Sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo, waxaa ciidamada Jubbaland laga dilay 3 askari, halka laga dhaawacay 2 kale, waxaana lagu qasbey iney ka cararaan goobihii lagu dagaallamay.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa la sheegayaa iney isku dayeen iney gurmad siiyaan ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana hawada deegaanka Baar Sanguuni lagu arkayay diyaarado dagaal.

Ciidamada Jubbaland ayaa markii ay ku jabeen dagaalka waxay caradooda kala dul dheceen dadka shacabka ah ee degan nawaaxiga goobihii lagu dagaallamay, waxayna qab qabteen oo ay xireen tiro dad shacab ah, iyagoona geystay dhac hantiyadeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular