Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay qaaday weeraro waaweyn, oo lagu ekeeyey saldhigyada ay ciidamada Shisheeya iyo kuwa dowladda ku leeyihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose.
Mid kamid ah dagaallada, waxaa uu ka dhacay degmada Qoryooley ee Shabeellaha hoose, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay fara saareen ciidanka dowladda federaalka ee joogay halkaas.
Dagaal in muda ah socday kadib, waxaa ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab u suuragashey iney la wareegeen guud ahaan degmada Qoryoolay, iyadoo ay ka firxadeen ciidankii dowladda.
Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in ciidamada dowladda ay ku hooydeen saldhiga ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin duleedka Qoryoolay, magaaladana ay illaa saaka gacanta ku hayeen ciidamada Al-Shabaab.
Dhanka kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weeraro saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin degmada Afgooye iyo deegaanka Bariire.
Dagaallada ayaa ahaa kuwa culus, mana jirto faafaahin rasmi ah oo laga helay dagaalladaas.