Duqeymihii ugu xooganaa ee abid lala beegsado xarumaha shidaalka ee maamulka Aala-Sucuud ayay Xuuthiyiintu ku qaadeen shirkadda Aramaako.
Maalintii shalay waxaa duqeymo loo adeegsaday diyaarada drone ah ayaa waxaa lagu qaaday labo warshadadood oo ku kala yaala gobollada Baqiiq iyo Khariis oo kamid ah gobollada deriska la ah magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud.
Duqeymaha ayaa dhaliyay iney gubtaan qeybo badan oo kamid ah halkii lagu keydinayay shidaalka iyo Naftada, waxaana sawirro lagu baahiyay Internetka lagu arkayay qiiq iyo uuro madow oo cirka isku shareertay.
Weeraradan ayaa la sheegay iney dhaliyeen khasaare ba’an oo gaaray shirkadda Aramaako, waxaana gebi ahaanba joogsaday 5000 oo liitar oo kamid ah shidaalka ay maalin weliba soo saareysay shirkadda.
Xuuthiyiinta waxay si buuxda u sheegteen masuuliyadda weeraradan, iyadoona ay soo baxayaan warar kale oo sheegaya iney suurtagal tahay in duqeymahan loo adeegsaday kuruuz laga soo riday wadamada Iiraan ama Ciraaq.
Dowladda Maraykanka waxay sheegtay in Iiraan ay ka dambeyso masuuliyadda weeraradii shalay lagu qaaday shirkadda Aramaako, maamulka Aala-sucuudna wuxuu ku hanjabay inuu iska caabin doono weerar weliba oo lagu soo qaado.