HomeAll newsWilaayada Banaadir Oo lacago Zako ah u qeybisay Masaakiinta Muqdisho.

Wilaayada Banaadir Oo lacago Zako ah u qeybisay Masaakiinta Muqdisho.

Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa waxaa lacago Zako ah lagu gudoonsiiyay boqollaal qoys oo kamid ah dadka magaalada Muqdisho.

Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay waxaa masuuliyiinta ka qeybgalay kamid ah waaliga wilaayada islaamiga Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Caraale, waxaana dadka Zakada la gudoonsiiyay ay tiradoodu gaareysaa 150 Qoys.

Qoys weliba waxaa la gudoonsiiyay lacag dhan 500 oo doollar, waxaana lacagaha gudoonsiiyay dadka masaakiinta ah Sheekh Muuse Cabdi Caraale.

Waaliga Banaadir ayaa xafladda ka jeediyay kalimad dhinacyo ballaaran taabaneysa, oo uu kusoo hadal qaaday dhibaatada ay la noolyihiin reer Muqdisho, islamarkaana ay kala kulmayaan Shisheeyaha iyo dowladda federaalka.

Hoos ka daawo Sawirrada laga soo qaaday Xafladda lagu qeybiyay lacagaha Zakada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular