Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaala gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaallada ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay, waxaana uu yimid kadib markii ay gudaha u galeen magaalada ciidamo hubeysan oo katirsan Xarakada Al-Shabaab.
Iyagoo adeegsanaya garneellada garbaha laga tuuro ayay weeraro culus ku ekeeyeen saldhigyo ciidan oo ku yaala magaalada Baladweyne, waxaana jugta hubka la is dhaafsanayay laga maqlayay guud ahaan xaafadaha magaalada Baladweyne.
Majirto faafaahin rasmi ah oo laga helay khasaaraha iyo waxyeellada ka dhalatay dagaalladii xalay ka dhacay magaalada Baladweyne.