Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala dhulka Soomaaliyeed ee NFD ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo waxyeello lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Kenya.
Ciidamada Kenyaatiga ayaa waxaa qabsaday weerar adag, xilli ay ka baxeen saldhig ay ku lahaayeen meel u dhow deegaanka Ceel raam oo hoostaga Ceel-waaq.
Kamiinka oo ahaa mid aad culus, iskuna bedelay dagaal fool ka fool ah ayaa in muda ah qaatay, waxaana goobta lagu dilay askar Kenyaati ah.
Warar la isku halleyn karo oo kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa tibaaxaya in ugu yaraan 9 askari oo Kenyaati ah goobta lagu dilay, ayna macquul tahay in khasaaruhu sii kordho.
Waxaa sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku guuleysteen iney gubaan ugu yaraan 4 gaari oo noocyada dagaalka ah, kuwaas oo kala ah Taw, Koyal, Mutabish iyo gaari nooca raaxada ah.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan khasaaraha ba’an gaarsiiyay ciidamada Kenya ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah Soomaaliya.