Wararka naga soo gaaraya dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya heysato ayaa waxay sheegayaan in uu dagaal halkaa ka dhacay khasaare lagu gaarsiiyay askarta xukuumadda Nairobi, iyadoo haatan faahfaahin laga helayo.
Ciidamo Kenyaati ah oo kasoo baxay xero ay ku leeyihiin duleedka degaanka Ceel-raam ee degmada Ceel-waaq ayaa waxaa weerar ku hal-gaaday Milatariga Xarakada Al-Shabaab oo u muuqday iney dhaqdhaqaaqooda lasii socdeen.
Askarta Kenya ayaa waxaa weerarkan ku gaaray khasaare adag oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyeed. Ilo wareedyo ayaa inoo xaqiijiyay in ay goobta uga carareen meydadka 9 kamid ah askartooda iyadoo sidoo kale laga gubay 4 gaari, halka mid kale laga wax yeelleeyay.
Gaadiidka laga gubay ayaa kala ah: Taw, Koyal, Xamuul, Gaari raaxo, waxaana goobta ka baxsaday gaari Beebe ah kaasoo isagoo qiiqaya dib ugu laabtay xeradii ay kasoo bexeen. Khasaarahan ayaa ka dhigan mid adag oo soo gaaray dowladda Kenya oo duullaan ku joogta qeybo kamid ah Jubada Hoose iyo Gedo.