Taqriir ay soo saartay hay’adda caafimaadka Aduunka ayaa lagu sheegay in 40-kii ilbiriqisiba uu aduunka isku dilo hal qof, isagoo adeegsanaya qaabab kala duwan oo nafta la isaga qaado.
WHO ayaa shaaca ka qaaday in dadka naftooda dilayo marka la isku daro ay ka badan yihiin kuwa ku dhinta dagaallada ka holcaya qeybo kala duwan oo katirsan Caalamka.
Dadka ugu badan ee is dila waxay adeegsadaan suntan, qaarkood way is ceejiyaan, kuwana rasaas ayay isla dhacaan, sida lagu sheegay warbixinta ay baahisay hay’adda caafimaadka Aduunka ee hoostagta Qaramada Midoobay.
Dowladaha adduunka ayay hay’addu usoo jeedisay iney dejiyaan qorshayaal iyo xeelado looga hortagayo tirada sii kordheysa ee dadka naftooda is dhaafinaya.
Is dilida ayaa warbixinta lagu sheegay iney tahay sababta labaad ee keenta geerida dadka ugu badan aduunka, gaar ahaan kuwa da’doodu u dhexeyso 15 illaa 29 sano.
Warbixinta hay’adda WHO waxay intaa ku dareysaa in ugu yaraan 800 oo kun oo ruux ay sanadkiiba is dilaan, taas oo kabadan dadka geeridoodu ay sababto dhimasahda .
Dadka ugu badan ee is dila, naftana is dhaafiya waxay warbixintu sheegeysaa iney kasoo jeedaan qaaradda Ameerika, si gaar ahna ay u badanyihiin dad heysta nolol wanaagsan iyo dakhli fiican.
Madaxa guud ee hay’adda caafimaadka Aduunka ayaa sheegaya in loo baahanyahay in la dejiyo barnaamij looga hortagayo arintan sida xowliga ah kusii socoto, wuxuuna yiri:-
“ In laga hortago in qofku naftiisa dilo waa arin suurtagal ah, waxaana dowladaha ka codsaneynaa in barnaamijyadooda caafimaadka iyo waxbarashada ku daraan istiraatiijiyad looga hortagi karo is dilida” ayuu yiri Tedros Adhanom oo ah madaxa hay’adda caafimaadka Aduunka.
Si loo yareeyo ugu yaraan dadka is dilaya, waxay warbixinta sheegeysaa in loo baahanyahay in la yareeyo iibinta suntan cayayaanka oo ay dadka ugu badan u adeegsadaan iney naftooda isku dhaafiyaan, waxaana haddii taas la dhaqan geliyo macquul ah in la badbaadiyo nolosha dad badan, sida ay ku doodeyso warbixinta.
Diinta Islaamka ayaa mamnuucday in qofku naftiisa dilo, waxaana kusoo arooray waciid adag, dadka ugu badan ee naftooda is dhaafinaya ayaana u badan gaalada, taas oo muujineysa dhibaatada nafsi ee ay la noolyihiin.