Gelinkii dambe ee maalintii shalay, waxaa ciidamada Shisheeyaha Burundi gobolka Shabellaha dhexe ku qabsaday silsilado weeraro qaraxyo ah oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Khasaare lixaad leh ayaa gaaray ciidamada Burundi, markii ay la kulmeen qaraxyo is xig xigay oo aad u xooganaa, kuwaas oo lagula beegsaday meel u dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Goobjoogayaal ku sugan gobolka ayaa soo sheegay in Ciidamo Burundi lala beegsaday silsilado qaraxyo waaweyn, iyagoo maraya deegaanka Buurane oo u dhow degamada Mahadaay.
Ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamada Burundi ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxydaas,waxaana khasaaraha ugu badan uu ka dhashey qaraxa labaad oo haleeley ciidamo lugeynayay oo soo gurmaday.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si toos ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan khasaaraha culus gaarsiiyay ciidamada Shisheeyaha Burundi ee qeybta ka ah duulaanka ay Shisheeyuhu kusoo qaadeen Soomaaliya.