HomeAll newsDagaallo Culus Oo xalay lagu qaaday Awdheegle.

Dagaallo Culus Oo xalay lagu qaaday Awdheegle.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa lasoo warinayaa inuu socday in muda ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa soo sheegay in rasaastu ay ka shanqartay saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda, waxaana dagaalku ahaa mid culus, oo daryanka hubka la isku adeegsanayay laga maqlayay goobo ka baxsan Awdheegle.

Lama helin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey dagaalkii xalay, wuxuuna ku daba feylayaa silsilado howlgallo ah oo gobolka Shabeellaha hoose ciidamada Xarakada Al-Shabaab kula beegsanayaan Shisheeyaha iyo ciidamada dowladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular