HomeAll newsAgaasimihii Madaxtooyada Hir Shabeelle Oo isku dhiibay Al-Shabaab.

Agaasimihii Madaxtooyada Hir Shabeelle Oo isku dhiibay Al-Shabaab.

Xassan Mahdi; agaasimihii madaxtooyada Hir Shabeelle.

Gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waxaa lagu soo bandhigay masuul sare oo katirsan maamulka Hir Shabeelle, kaas oo isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Xassan Cumar Axmed oo loo yaqaano Xassan Mahdi, ahaana agaasimihii madaxtooyada maamulka Hir Shabeelle ee fadhigiisu yahay magaalada Jowhar ayaa isku dhiibay wilaayada islaamiga Hiiraan, isagoo kasoo tagay safkii Hir- Shabeelle.

Maxkamadda shareecada Islaamka ee wilaayada Hiiraan ayuu Masuulkan kahor cadeeyey inuu kasoo laabtay falkii uu horey ugu dhacay ee ahaa la shaqeynta maamul goboleedka Hir Shabeelle.

Waa masuulkii ugu sarreeyey ee dhawaantan isku dhiiba Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kana soo tagay maamulka Hir Shabeelle ee uu hogaamiyo Waarre.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular