Habeennimadii xalay, dagaalyahanno hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha ee duleedka magaalada Baraawe gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarka oo ahaa mid xoogan, waxaa uu saameeyey ciidamada Shisheeyaha ee degan garoonka, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Ma helin faafaahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashey weerarkii xalay Mujaahidiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe.
Weerarkan ayaa kusoo aaday, iyadoo maalintii shalay garoonka diyaaradaha ay soo caga dhigteen diyaarado xamuul ah oo sahay u siday ciidamada Shisheeyaha ee ku go’doonsan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose.