HomeAll newsAl-Bashiir oo kasoo muuqday Maxkmad ku taalla Suudaan.

Al-Bashiir oo kasoo muuqday Maxkmad ku taalla Suudaan.

Cumar Xasan Al-bashiir madaxweynihii hore ee wadanka Suudaan ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taalla magaalada caasimadda ah ee Al-khardhuum, isagoo loo  jeediyay eedeymo waaweyn oo ay kamid tahay musuq maasuq.

Al-bashiir ayaa isagoo xiran dharka hidaha iyo dhaqanka ee Suudaan, wuxuu kasoo dhex muuqday fadhiga maxkamadda, isagoo ku dhex jira qafiska la gleiyo eedeysanayaasha.

Inkastoo uu aad ugu dadaalay inuu is dejiyo, farxadna muujiyo, hadana Cumar Xasan Al-bashiir, waxaa ka muuqaneysa isbedel dhanka jirka ah.

Mid kamid ah xeer ilaalinta maxkamadda ayaa Al-bashiir usoo jeediyay eedeymo ay kamid tahay inuu helay lacago malaayiin dollar ah, kuwaas oo u qaatay sifo shakhsiyadeed.

Majirin wax jawaab ah diidmo ama ogolaansho ah oo uu ka bixiyay Al-bashiir eedaas, taas oo ay dad badan ku micneeyeen iney ka dhigantahay qirasho.

Ilo ay warbaahinta soo xiganeyso ayaa sheegeysa in markii Al-bashiir la waydiiyay hantidiisa gaarka ah uu sheegay inuu leeyahay guri ku yaala xaafadda Kafori, beer iyo guri fillo ah.

Isla ilahaas xogtan laga soo xiganayo ayaa sheegeysa in Cumar Al-bashiir uu shaaca ka qaaday in dhamaan lacagihii uu hayay uu ku wareejiyay Cabdi-rixiim Doqlo oo la dhashey ku xigeenka madaxa golaha milliteriga ee lagu magacaabo Xamiidtii.

Xubno katirsna maxkamadda qiideysa dacwadaha loo heysto Al-bashiir ayaa shaaca ka qaaday inuu qirtay in 25 milyan oo dollar uu si gaar ah kaga helay dhaxalsugaha maamulka Aala-sucuud Muxamad bin Salmaan.

Sidoo kale wuxuu qirtay in lacag dhan 35 milyan oo dollar uu ka helay boqorkii hore ee Aala-Sucuud Cabdalla bin Cabdal Caziiz. Waxaa sidoo kale jirtay hal milyan oo dollar oo uu sheegay inuu ka helay madaxweynaha Imaaraadka Carabta Khaliifa bin Zaayid Aala-Nahyaan.

Xeer ilaalinta Suudaan ayaa dalbaneysa in Al-bashiir la waydiiyo su’aalo la xiriira inuu ku lug lahaa dilal loo geystay dad banaanbaxyo dhigayay, iyo sidoo kale inuu maalgeliyay waxay ugu yeereen Argagaxisada.

Inkastoo golaha milliteriga Suudaan iyo Mucaaradku ay gaareen heshiis awood qeybsi ah oo hor soodeya dowlad madani ah, hadana Al-bashiir waxay noloshiisa lugaha lasii geleysaa isbedel horleh .

Al-bashiirkii noloshiisu u dhexeysay dhufeysyada ciidanka iyo aqalka madaxtooyada, wuxuu maanta ku jiraa qafiska madow ee maxaabiista, waxaana kaxeynaya oo ilaalinaya ciidankiisa daacadda u ahaa, garsoorkii isaga raacsanaana eediisa ayuu qaadayaa.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular