HomeAll newsWeeraro Xoogan oo lagu qaaday Saldhigyada ay Shisheeyuhu ku leeyihiin Bariire.

Weeraro Xoogan oo lagu qaaday Saldhigyada ay Shisheeyuhu ku leeyihiin Bariire.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro ballaaran ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarada oo dhacay saqdii dhexe ee xalay waxaa la isku adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay madaafiic culus iyo hubka darondooriga u dhaca ku garaaceen saldhigyada Shisheeyaha iyo kuwa daacadda u ah Maraykanka.

Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu gaaray Shisheeyaha iyo askarta dowladda, walow aynaan inoo suuragelin inaan helno waxyeellada rasmiga ah.

Dad farakutiris ah oo ku sugan Bariire waxay sheegayaan in saaka ay ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda wejiyadooda laga dareemayo murugo xoog leh, iyo indha taag taag, taas oo muujineysa inuu jiro waxyeello adag oo gaaray.

Weerarkan wuxuu kusoo aaday, iyadoo dhawaan labo  weerar oo nafhrunimo lagu qaaday saldhigya ciidamada Bankrafta ku leeyihiin degmada Awdheegle ee Shabeellaha hoose, kuwaas oo lagu dilay 50 askari, halka todobaatameeyo kalena ay dhaawacyo xoogan kasoo gaareen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular