
Mu’assasada As-saxaab garabka warbaahineed ee Al-Qaacida ayaa baahisay bayaan kasoo baxay hogaanka sare ee Mujaahidinta, kaas oo looga hadlay xaaladda dhulka barakeysan ee Shaam.
Bayaanka oo ciwaan loo dhigay “qeyla dhaan nafiir iyo dhawaaq digniin ah” waxaa looga hadlay xamlada ay Nuseyriyada iyo Ruushka oo is kaashanaya kusoo qaadeen wuqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ka dhisanyihiin maamullo ay hirgeliyeen Mujaahidiinta iyo kacdoon wadayaasha.
Ugu horeyn bayaanka waxaa Mujaahidiinta Shaam loogu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Adxaa Al-mubaarak, iyadoona lagu amaanay dowrka ay ka qaadanayaan umadda muslimka ah.
“Walaalaha sharafta leh waxaad maanta difaaceysaan naftiina, cirdigiina, ehelkiina, diintiina, umadiina iyo wadankiina, umaduna waxay idin kaga marqaati kici doontaa difaaca aad iyadu difaacdeen, diituna waa nasiixo, waxaan idin kula dardaarmeynaa in idinkoo fudud iyo idinkoo culusba aad u baxdaan iska caabinta cadowga horarka ah, dhamaantiinana aad isugu soo noqotaan ballan lamid ah miithaaqii Jeyshul Fatxi, iyo kalimad idin simeysa idinka iyo kuwa shurakada idin le ah ee sharafta badan, taas oo ah inaad iska difaacdaan cadowgan duulaanka ah. U kaalaya inaad is difaacdaan, isku tiirsanaataan, oo aad Shaam uga difaacaan cadowga, una istaaga inaad iska caabisaan kuwa Alle iyo rasuulkiisa khiyaanay, umadana khiyaanay, ee cadowga gacal ka dhigtay” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qaacida.
Waxaa sidoo kale Mujaahidiinta loogu baaqay iney ka tagaan khilaafaadka, iyo diyaacaadka ay dhexdooda iska faafinayaan, taas oo ah mid kala dhantaaleysa cududa Mujaahidiinta.
“Walaalaheenow, aasa khilaafaadka dhexdiina ah xilligan ay xaaladdu adagtahay, kana taga dicaayaadka la is dhaafsanayo, oo aan joogsaneyn illaa ay ka jareyso wixii ka haray walaaltinimada ka dhexeysa tajamucaatkeena Jihaadiga ah, haddii ay sii socotana dhalin karta cadaawad aanan lagu damin Karin xitaa biyaha badda, iyo uur ku taallo iyo xasad aan dhamaaneyn sanadaha soo socda” ayaa lagu yiri bayaanka xilli lala hadlayay Mujaahidiinta Shaam.
Halkan ka dhagayso Warbixin ku aadan bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qaacida.