HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab Oo La wareegay Daynuunaay.

Ciidamada Al-Shabaab Oo La wareegay Daynuunaay.

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday deegaanka Daynuunaay oo dhaca duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar qorsheysan ku qaaday Daynuunaay, waxaana markii ciidamada maamulka Koonfur-galbeed ay ogaadeen in weerar lagu soo yahay ay ka firxadeen deegaanka.

Gebi ahaanba deegaanka waxaa la wareegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana ciidankii Koonfur galbeed ay qabteen dhanka Baydhabo.

Deegaanka Daynuunaay ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo u dhexeeya Baydhabo iyo Buur-hakaba ee gobolka Baay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular