Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar saacado ka hor ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo kaasoo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.
Weerarada ayaa yimid kadib markii ciidamada Jubbaland ay dhaqdhaqaaq ka sameeyeen duleedka degaanka Baarsanguuni maadaama uu magaalada Kismaayo gaaray ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Jems Swan.
Ciidamadan ayaa waxaa dagaallo adag kala hor tagay milatariga Xarakada Al-Shabaab iyadoo la gaarsiiyay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
16 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday Illaa shan qarax oo ciidamadan lala beegsaday, waxaana looga gubay laba gaari oo nooca dagaalka ah. Qaraxyada ayaa waxaa wehliyay dagaallo toos ah.
Ugu dambeyntii waxay ciidamadan dantu ku kalliftay iney dib ugu laabtaan xerada iyo dhufeysyadoodii. Marar badan ayaa ciidamadan lagu weeraray xerada Baarsanguuni, iyadoo lagu qaaday weeraro cag marin ah.
Ujeedada ay u deggan yihiin Baarsanguuni ayaa ah iney difaac u noqdaan ciidamada shisheeye ee heysta dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Bil walba waxaa maamulka islaamiga ah ee Jubooyinka isku dhiiba askar kasoo goosata aagga Baarsanguuni oo ay meelaha ugu badan ee weerarada lagu qaado.