HomeAll newsDhageyso Itoobiya oo Khadka Ka Saartay Shirkadiaha Diyaaradaha Soomaalida oo Ay Ku...

Dhageyso Itoobiya oo Khadka Ka Saartay Shirkadiaha Diyaaradaha Soomaalida oo Ay Ku Tiirsanaayeen 70 Kun oo Qoys.

Mas’uuliyiinta shirkadaha duulimaadyada ee Soomaaliya ayaa shalay kulan muhim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyagoo sheegay in hawshoodii ay si rasmi ah ula wareegtay shirkadda Ethiopian Airlines.

Ganacsatada ayaa waxaa hadalkooda laga dheehanayay ciil iyo caloolyow waxaana ay sheegeen in ay la kulmeen khasaare ay adkaan doonto iney kasoo kabtaan.

Waxay si cad u sheegeen in Itoobiya ay la wareegtay dhammaan duulimaadyadii ay bixin jireen shirkadaha diyaaradaha Soomaalida, taasna ay keentay in 70 kun oo qoys uu dabkoodu damo, halka kumannaan Itoobiyaan ah ay shaqo iyo masruuf u noqotay arrintaas.

Mas’uuliyiinta DF waxay ku safraan diyaaradda Ethiopian Airlines, iyagoo iskala weyn kuwa Soomaalida. Wax kale iska dhaafe xataa dadkii xajka aadayay waxaa lagu khasbay iney raacaan diyaaradda Xabashida.

Madaxweynaha DF ayaa horey Itoobiya ugu saxiixay afar dekedood oo Soomaaliya ku yaalla, waxaana cad haddii ay u suura gasho iney qabsato dekedahaas iney sida Ethiopian Airlines oo kale ay keensan doonto shirkado badeecadaha soo dajiya, khadkana laga saaro kuwa Soomaalida oo intoodii badnayd ay Turkidu indhaha ka rideen.

Halkan Ka Degso Shirka Jaraa’id

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular