Magaalada Cadan oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee dowladda taagta daran ee Yemen ayaa lagu soo waramayaa iney ka dheceen dagaallo xoogan oo dhexmaray ciidamada xukuumadda Yemen iyo malleeshiyaad ka amar qaata dowladda Imaaraadka Carabta.
Dagaallada ayaa yimid, kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo katirsan golaha kumeel gaarka ah ee koonfureed oo ah malleeshiyaad ay taageerto dowladda Imaaraadka ay weerar ku qaadeen madaxtooyada Al-macaashiiq oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee dowlada Yemen.
Ciidamadan ayaa doonayay iney gebi ahaanba la wareegaan madaxtooyada, taas oo ka dhigan afgembi milliteri oo lagu sameeyo dowladda, waxaana weerarkooda uu yimid kadib markii taliyahooda ninka lagu magacaabo Haani Bariik uu amarkaas si toos ah u bixiyay.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada Cadan waxay soo sheegeen in xaafadda Kareetar ah oo halka ay madaxtooyadu ku taallo uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ilaalada madaxtooyada iyo kuwa weerarka soo qaaday.
Dagaallada intii ay socdeen waxaa jiray diyaarado dagaal oo uu leeyahay Taxaalufka maamulka Aala-Sucuud oo dul heehaabeyay aaga dagaalka, taas oo ay dad badan ku micneeyeen iney wax ka ogaayeen isku deyga afgembiga.
Saraakiil u hadlay xukuumadda taagta daran ee Yemen ayaa sheegay in afgembigan ay gadaal ka riixeysay dowladda Imaaraadka Carabta, balse uu fashilmey, waxaana jira khasaare labada dhinac gaaray.
Ugu yaraan 5 ruux ayaa lagu soo waramayaa iney geeriyoodeen, kuwaas oo ahaa askarta labada dhinac, welina waxaa taagatan xaalad kacsanaan iyadoona la filan karo in mar weliba ay dagaalladu dib u billowdaan.
Koonfurta Yemen ayaa la ciir ciireysa kumanaan askari oo calooshood u shaqeystayaal ah, daacadna u ah Imaaraadka Carabta, kuwaas oo aan dagaal toos ahna kula jirin Xuuthiyiinta, balse dhibaateynaya shacabka, dhanka kalena mararka qaar fooda gelinaya xukuumadda ay reer galbeedku aqoonsanyeihin ee Yemen.