HomeAll newsDagaal ciidamada Shisheeyaha ku qabsaday Duleedka Balcad.

Dagaal ciidamada Shisheeyaha ku qabsaday Duleedka Balcad.

Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha oo maraya duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa la kulmay weerar culus oo uga yimid dhinaca ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ah mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,  waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dad ka ag dhow goobta uu dagaalka ka socdo ayaa warbaahinta u sheegay iney maqlayaan jugta iyo deryanka hubka la isku adeegsanayo.

Warar horudhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in dagaalka kamiinka ah lagu gubay gawaari dagaal oo ay wateen ciidamada Shisheeyaha.

Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Insha Allaah.

 

(Xanax)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular