
Sheekh Cabdil caziiz Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku faafaahiyay howlgallo 48-dii saacadood ee lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollo kala duwan oo kamid ah Soomaaliya iyo dhulka gumeysiga ku jira ee NFD.
Ugu horeyn, wuxuu sheekhu ka hadlay weerarkii nafhurnimada ahaa ee lagu qaaday kontoroolka laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdihso, iyo khasaaraha ka dhashey., isagoona sheegay iney ku dileen 15, kuna dhaawacmeen 20 kale.
Hiiraan ayaa kamid ah meelaha ay howlgalladu ka fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta, waxaana uu faafaahiyay sheikh Abuu Muscab qarax buula burde lagula beegsaday ciidamada Jabuuti, iyo diyaarad lagu weerary Jalalaqsi.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha ee jooga Shabeellaha hoose ayaa iyaguna qeyb ka helay howlgalalda ciidamada Mujaahidiinta, waxaana Afgooye ka dhacay weerar lagu qaaday isbaaro ay joogeen ciidamada dowladdaa, iyadoona dhanka kale uu jiro qarax lagu weeraray ciidamada Shisheeyaha.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay weerar ciidamada Itoobiya lagula eegtay qeybo kamid ah wilaayada islaamiga ee Gedo, halkaas oo kamid ah meelaha ay duulaanka ku joogaan Xabashida.
Ugu dambeyntii Sheekh Cabdil caziiz Abuu Muscab, wuxuu ka hadlay howlgallo ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya.