Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamada Jabuuti qarax xoogan lagula eegtay degmada Buula burde.
Qaraxa waxa uu ka dhacay garoonka bari ee magaalada, waxaana lala helay ciidamo Jabuutiyaan ah oo xilligaas ku sugnaa goobta.
Inta haatan naloo xaqiijiyay waxaa ku dhintay hal askari oo Jabuutiyaan ah, mid kalana waxaa soo gaaray dhaawac.
Dhawaan, waxaa magaalada Buula burde ka dhacay howlgal gaar ah oo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana howlgalkaas lagu dilay labo askari oo katirsan maamulka Hir Shabeelle.
Askarta waxaa laga furtay qoriyaashii iyo booshashkii ay wateen, iyadoona sidoo kale laga qaatay mooto ay wateen.