Qarax aad u culus ayaa lagu weeraray kontoroolka koowaad ee laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo uu fuliyay qof naftii hure ah oo katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa dhacay xilli kontoroolka ay taagnaayeen gawaari badan oo nooca aan xabddu karin ah, lana socdeen xubno kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka.
Waxaa sidoo kale askarta gawaaridaas la socotay ay ahaayeen kuwa dhulka jooga oo baaritaanka sugaya, waxaana ka dhashay khasaare badan.