Caawa, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay howlgallo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, qeybtooda ka howlgasha caasimadda.
Sarkaal katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka ayaa rag hubeysan oo katirsan Al-Shabaab waxay ku dileen nawaaxiga isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Raga dilka geystay ayaa ka furtay sarkaalka bastoolad uu heystay, waxayna markaas kadib isaga tageen goobta.
Sidoo kale, qarax xoogan ayaa nawaaxiga wasaaraddii Gaashandhiga waxaa lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa dowladda federaalka.
Gaari ay saarnaayeen ciidamada dowladda ayuu qaraxu haleelay, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare, walow aynaan helin faafaahin rasmi ah.