HomeAll newsGumeystaha iyo sida uu ugu shaqeysto odayaasha dhaqanka.(Dhageyso)

Gumeystaha iyo sida uu ugu shaqeysto odayaasha dhaqanka.(Dhageyso)

Dad la socda arrimaha Soomaaliya oo kala jooga dalka iyo dibadiisa ayaa xalay ka qeybgalay falanqeyn looga hadlay gumeytaha sida uu ushaqo galiyo odayaasha qabaa’ilada iyo ujeedka uu ka leeyahay.

Abuu Muxamed oo kamid ahaa ka qeybgalayaasha ayaa sheegay in gumeyste waliba uu beegsado dadka ka dhex muuqda umadda uu ku duulay si uu kaga dhigto jaran jaro uu ku gaaro hadafkiisa.

Waxaa jira dad la shaqeeya iyo kuwa la halgamaya Gumeystihii Talyaaniga iyo Ingariiska ee qabsaday Soomaaliya.

Waxayna taariikhda xustaa qof waliba wixii uu ka tagay oo wanaag iyo xumaan leh, waxaana hadda oo Soomaaliya ay tahay dal unugul shisheeyaha ku sugan quwado shaqo galiyay odayaal iyo culumo  oo umadda hoosgeynaya harka shisheeyaha.

Abuu Cubeyda Nuur oo ka qeybgalay doodaan ayaa sheegay in markasta oo dhagar loo dhigo Soomaalida ay muddo kadib dhagartaasi ku biyo shubmi jirtay fashil kuwa horgalka unoqday gumeystahana ay ka raaci jirtay sumcad xumo.

Hoggaanada qabiilada oo ay ku yareyd waxbarashada diinta islaamka ayaa adeegsan jiray xeer ay wax ku kala wadaan waxaana dhici jirtay in danaha umadda ay ka hormariyaan tooda sida uu sheegayo Xamza Cabdullaahi oo ku dheeraaday hab dhaqanka odayaasha shisheeyaha ku daaban.

Falanqeynta oo sii socota ayaan caawa waxaan idiin sii gudbin doonaa qeybta labaad oo looga hadli doona odayaasha hadda jira ee shisheeyaha ku safka ah iyo baaq kasoo baxay hoggaanka alshabaab oo ku sucday odayaashaasi.

Halkan ka dhageyso qeybta Koowaad Falanqeynta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular