Saacadihii lasoo dhaafay, qaraxyo xoogan oo lagu burburiyay gawaari dagaal ayaa ka kala dhacay gobollada Bari, Banaadir iyo Shabeellaha hoose.
Qaraxa koowaad waxa uu ka dhacay deegaanka Ballikhadar oo dhaca duleedka magaalada Boosaaso, waxaana lala eegtay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar katirsan maamulka Puntland.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa gaaray askartii, waxaana jirin wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Puntaland.
Qaraxa labaad waxa uu ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay gaari xamuul ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda.
Qaraxa saddexaad waxa uu ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana lala helay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen ciidamada Bankrafta ee sida dhow ula shaqeeya Maraykanka.
Ugu yaraan 6 askari oo saarnaa gaariga ayaa dhintay, waxaana ka badbaaday oo keliya 2 askari.
Qaraxa afaraad waxa uu ka dhacay deegaanka Warmaxan ee galbeedka degmada Afgooye gobolka Shabeellaha hoose, waxaana lagu burburiyay gaari booyad ah oo biya u dhaaminayay ciidamada dowladda.
Askartii saarnaa ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday, gaarigana labo cad ayuu u kala go’ay.
Dhamaan masuuliyadda howlgalladan waxaa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.