HomeAll news10 Askari oo DF Looga Dilay Dagaal Ka Dhacay Marko.

10 Askari oo DF Looga Dilay Dagaal Ka Dhacay Marko.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xalay fiidkii ka dhacay magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo lagu weeraray askarta DF.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Milatariga Al-Shabaab ayaa xalay weeraray Marko sida ay baahisay idaacadda Andalus oo ku hadasha afkooda.

Qaar kamid ah dadka ku haray magaalada ayaa sheegay in dagaalku uu ekeeyay dhammaan meelaha ay deggan yihiin askarta DF.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka helnay gudaha magaalada Marko ayaa xaqiijinaya in DF, laga dilay ugu yaraan 1o askari, ku dhawaad 10 kalana laga dhaawacay.

Ciidamadan ayaa waxaa Marko la geeyay muddo dhowr bilood ka hor ah, mana ahan markii ugu horreysay oo weerar noocan ah lagu qaado.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha DF oo ku aaddan dhacdadan. Weerarka Marko ayaa kusoo aaday iyadoo isla xalay ay Al-Shabaab weerareen askarta DF iyo kuwa shisheeye ee heysta degaanka Bariire ee isla Sh/hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular