HomeAll newsAsar katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Muqdisho Lagu dilay.

Asar katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Muqdisho Lagu dilay.

Rag hubeysan oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa toogtay labo askari oo katirsan ciidamada PS-ta dowladda.

Xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ayuu ka dhacay howlgalka khaarijinta ah ee loo geystay labo askari oo katirsan kuwa sirdoonka dowladda federaalka.

Labada askari ee la dilay waxaa lagu kala magacaabaa Ismaaciil Bootaane Kheyre iyo Cabdi Jaree, waxayna ahaayeen ciidanka dharka cad ee katirsan PS-ta dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka labadan askari, waxaana ciidamadeedu ay ugaarsi gaar ah ku hayaan ciidanka Nabadsugidda loogu yeero ee ay Soomaalida qaarna ugu yeeraan Ashahaado la dirir.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular