HomeAll newsCiidamada Al-Shabaab Oo Weeraray Afmadow iyo Hosingow.

Ciidamada Al-Shabaab Oo Weeraray Afmadow iyo Hosingow.

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen difaacyada ciidamada maamulka Jubbaland ee Afmadow iyo Hosingow.

Weerarka oo dhacay xilli habeen ah ayaa waxaa dadka deegaanka ay sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa baqa carar iyo cabsi xoogan ay soo wajahday, waxaana ay ka carareen saldhigyadii ay ku sugnaayeen, iyagoo gabaad ka raadiyay difaacyada ciidamada Kenyaatiga.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weeraradan, waxaana ay ku biirayaan silsiladaha weerarada joogtada ah ee ay ciidamada Mujaahidiintu ka fulinayaan deegaannada iyo degmooyinka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa la jira.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular