HomeAll newsKhilaaf diblumaasiyadeed oo soo kala dhexgalay dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska.

Khilaaf diblumaasiyadeed oo soo kala dhexgalay dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska.

Donald Trump; madaxweynaha Maraykanka.

Labada dowladood ee xulafada ah, waa Maraykanka iyo Ingiriiska e, waxaa soo kala dhexgalay khilaaf dibulmaasiyadeed oo aad u xoogan, kadib markii la baahiyay qoraallo sir ah oo uu qoray mid kamid ah masuuliyiinta dowladda Ingiriiska.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya wadanka Maraykanka ninka lagu magacaabo Kim Drosh ayaa aad u dhaliilay siyaasadda madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo adeegsanayay buugiisa xusuus qorka.

Donald Trump oo aad uga  carooday tallaabadaas ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday safiirka Ingiriiska ee Maraykanka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay nin doqon ah oo aan waxba garaneynin.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhankeeda waxay sheegtay iney garab taagantahay safiirkeeda u fadhiya Maraykanka, oo la kulmayo mowjado weeraro afka ah oo uga imaanaya Trump iyo kooxdiisa.

Labadan dowladood ayaa ah dowlado xulafo ah, oo isku kaashada dagaallada ay ka hurinayaan caalamka Islaamka, balse intii uu Trump xilka madaxtinimada Maraykanka la wareegay waxaa jiray in dhowr jeer uu khilaaf soo kala dhexgalay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular