Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qeybtooda ka howlgasha magaalada Muqdisho ayaa weerar toos ah oo xasmin ah ku qaaday bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda.
Barta kontorool ee la weeraray waxay ku taallaa isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay cagta mariyeen ciidankii goobta joogay.
Ciidamada dowladda ayaa noqday wax dhinta iyo wax dhaawacma, waxaana khasaaraha la helayo uu dhanyahay dhimashada 9 askari, oo uu kamid yahay Taliye Geedi ah oo madax ka ahaa barta kontorool ee la weeraray.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmey 25 askari, oo uu kamid yahay taliye Yaasiin ah taliye ku xigeenka Police-ka saldhiga Bartamaha.
Saraakiil u hadlay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay sheegeen in weerarkaas ay dhankooda kaga dhinteen labo dagaalyahan.
Weerarkan tooska ah ee cagta lagu mariyay maalin cad bar kontorool iyo ciidankii joogay ayaa si aad ah waxaa looga hadal hayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.