HomeAll newsKenyata oo cabsi ka muujiyay weerarada Alshabaab.(Dhageyso)

Kenyata oo cabsi ka muujiyay weerarada Alshabaab.(Dhageyso)

Tv-ga  Fox News ee laga leeyahay  dalka Maraykanka ayaa Wareysi gaar ah la yeeshay madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuro Kenyata kaasi oo si aad ah kaga hadlay caqabadaha dowladiisu ka heysta weerarada ay gaysanayaan dagaalyahanada xarakada Alshabaab.

Uhuro Kenyata ayaa wareysiga ku qiray in dalkiisa uu yahay dal nugul islamarkaana ay Qatar dhanka amniga ah iyo cabsiba  ku qabaan shabaabka ka howlgalla dalkiisa kuwaasi oo marar badan fuliyay weeraro lagu daadiyay dhiiga ciidamada Kenya iyo dadka Kirishtanka ah ee udhashay dalkaasi.

“Kenya waa wadan ku dhex nool dalal deris ah oo aad udaciifsan,Taasina waa xaqiiqda jirta ,laakiin hal million oo qaxooti ah oo ka kala yimid qeybo kala duwan oo ka tirsan Gobalka ayaa nala jooga ,waxaan had iyo jeer is niraahnaa inay tani kamid tahay caqabadaha jira ee naga heysta Ammaanka”ayuu yiri Uhuru Kenyatta isagoo cabqabadaashi dhammaan u aaneeyay xasilooni darada ka taagan dalka Soomaaliya.

Tv-ga ayaa sheegay in ciidamada Alshabaab ay weeraro ka gaystaan gudaha Dalka Kenya islamarkaana ay umuuqdaan kuwa sii wadi doonna wuxuu ku tilmaama dhibaatada ay ka wadaan Guud ahaan dalka Kenya.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay ayuu Fox News sheegay in dagaalyahanada shabaabku dagaal adag kula jireen dowladda federaalka ee aqoonsiga ka heysata shisheeyaha taasi oo aanan awood ulahayn inay cagaheeda isku taagto.

Uhuro Kenyata ayaa sheegay in dowladiisu ay taageero siisay dowladda Soomaaliya balse waxa uu rajo xumo iyo nasiib liita ku macneeyay inay bartilmaameed unoqdeen weerarada Alshabaab oo umuuqda kuwa sii kordhaya islamarkaana ku fidiya  Kenya.

Dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee dhacay ayuu qeyb kamid ah is dul istaagay Tv-ga.

Laba todobaad ka hor, ayuu sheegay in sideed katirsan ciidamada bilayska Kenya lagu dilay Bam  ay shabaabku  dhigeen waddada xuduudka ku teydsan.

Alshabaab waxa ay sheegteen weeraro badan oo lagu dilay Muwaadiniin Kenyaan ah iyo ajaaniib,waxaana kamid ah weerarkii bishii Janaayo ka dhacay magaalada Nairobi ee lagu qaaday hoteello kuwaasi oo Fox News uu tilmaamay in lagu dilay 21 qof laguna dhaawacay 28 kale.

Bishii December ee sannadkii 2015, ayuu Tv-ga xusay in rag hubaysnaa oo katirsan Alshabaab ay toogasho ku dileen 28 qof oo ay ku jireen  macalimiin masiixiyiin ah kuwaasi oo saarnaa Bas iyagoo doonayay inay ka qeybgalaan dabaal dega ciidooda Kirismiska.

Bishii Abriil ee sannadkii 2015-kii, al-Shabaab ayaa weerartay Jaamacadda Gaarisa ee Kenya, halkaas oo ay ku dhinteen 148 arday,Bishii Sebtembar 2013, in ka badan 70 qof ayaa lagu waayay wuxuu xasuuq ku tilmaamay Tv-ga oo al-Shabaab ku qaaday Westgate Mall ee Nairobi.

Uhuro Kenyata oo weeraradaasi wax laga weydiyay ayaa yiri.

“Waxaan sameyneynaa horumar joogto ah oo wanaagsan. Laakiin waxaan been sheegi lahaa haddii aan idiin iraahdo waxaan la tacaalnay dhibaatada Jirta “ayuu yiri Kenyatta,Isagoo umuuqday mid quus ka jooga weerarada Alshabaab islamarkaana iska fogeeyay inuu ku faano wax qabad aanan jirin ama muuqan oo ku aadan waxay ka qabteen ammaan xumida ka taagan gudaha Kenya.

Halkan ka dhageyso warbixinta Tv-ga

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular